Xog: Xaaladda Fu’aad Shongole iyo waxa ka jira arrinta ay sheegatay Itoobiya

Muqdiaho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaa nool Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ka mid ah madaxda ugu sareysa Al-Shabaab, kaas oo dowladda Itoobiya ay xalay shaacisay inay dishay.

Sidoo kale Caasimada Online waxay baaritaanka xogtan ku ogaatay in Fu’aad Shangole uu soo gaaray dhaawac fudud oo sababay in loo qaado magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, halkaas oo hadda lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

Fu’aad Shangole ayaa ku dhaawacmay dagaal culus oo Jimcihii ay Al-Shabaab ku qaadeen degnaaka Aato ee gobolka Bakool oo dhaca xuduuda gobolkaasi uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida, halkaasi oo ay kula dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis.

Sidoo kale Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka howlgallada Al-Shabaab oo ka mid ahaa xubnihii ay Itoobiya sheegtay inay ku dishay dagaalka ayaa soo hadlay, isagoo sheeganaya guulo ay ka gaareen dagaalkii ay ciidamada Liyuu Boolis kula galeen degaanka Aato.

Fu’aad Shangole ayaa ah madaxa abaabulka iyo tashkiilinta dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid yahay madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiinta dollar.

Madaxa Sirdoonka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa xalay Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency u sheegay inay dileen sedaxdaan hoggaamiye oo kala ah Fu’aad Shangole, Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.

Todobaadkii tegay Fu’aad Shangole warbaahinta kula hadlay duleedka degaanka Aato ee gobolka Bakool, wuxuu xiligaas u khudbeynayey dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna ku goodinayey inay isku diyaariyaan weerarro culus oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.