Diyaaradaha ITOOBIYA oo duqeymo culus geystay iyo Al-Shabab oo qorshe wadda

Xudur ( Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ayaa shalay duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan Bakool oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, halkaasi oo dagaalo ay ka socdeen maalmihii dhowaa.

Duqeymahaan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Garasweyne oo 50 KM galbeed ka xiga magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Halkaas waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo waday abaabulka duulaan ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Ilaa hadda ma jirto cid xaqiijisay inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, waxaana aad u liidatay isgaarsiinta deegaanada dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Maleeshiyaad badan ay ku uruurinayaan deegaanada Gobolka Bakool ee ku teedsan xadka uu gobolkaasi la wadaago dalka Itoobiya.  

Duqeyntaan waxay ku soo aadeysaa ayadoo Jimcihii ciidamada Liyuu Boolis lagu laayey degaanka Aato, kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaankaas.

Bayaan ay kooxdu ka soo saartay weerarkii ay Jimcihii shalay ku qaaday Aato, waxay ku sheegatay inay Liyuu Boolis ka dileen in ka badan 150 askari, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydad aad u badan.