Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka socda Boosaaso + Khasaaraha

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in goor dhow rasaas teel teel ah ay ka bilaabatay gudaha magaalada Boosaaso, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad kacsanaan ah.

Rasaasta oo ah mid goos goos ah ayaa waxaa is-weydaarsanaya ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa PSF-ta, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan is-rasaaseynta ay ka dhaceyso dhanka xaafadda Ridwaan oo ay ku taallo xerada ay dagan yihiin ciidamada PSF-ta maamulka Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in rasaasta bilaabatay ay dhalisay, kadib markii markii ciidamada Puntland ay ku dhowaadeen halka ay ku sugan yihiin PSF.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana la xaqiijiyey illaa iyo hadda ay is-rasasaaseyntaas ay ku dhaawacmeen illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Sidoo kale dadka shacabka ah ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan, iyada xaafadaha qaar ay istaageen dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.

Xiisadda ka taagan Boosaaso ayaa ka dhalatay xil ka qaadistii uu Saciid Deni ku sameeyey agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid tallaabadaasi, waxaana kadib fashilmay wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayey labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii