Daawo: Bashiir Goobe oo shaaciyey xogta dhulka la sheegay inuu boobayo Rooble

Baydhaba (Caasimada Online) – Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo oo aan meel ka soo gelin sharciga saraakiisha ciidamada qaranka.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo dhulkii ciidamada badda oo si shakhsi ah guri uga dhisanayo, isagoo ku goodiyey in Rooble uusan taas ka aqabali doonin.

Bashiir Goobe oo ah Jenanka ugu darajada sareeya ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga iyo anshaxa ciidanka uusan ogoleyn in sarkaal uu madaxda qaranka eedeyn u marsiiyo warbaahinta.

“Wax na qabta maaha, waana uga cudur-daarayaa ciidamada qalabka sida iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bashiir Goobe oo sharaxaad ka bixiyey halka uu ku yaallo dhulka uu sheegay Taliye Cabdixamiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu boobayo.

Jeneraal Bashiir ayaa sheegay in dhulkaas uusan noqon karin xero ciidan, maadaama uu aad u yaryahay, “Waa dhul yar oo u dhaxeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga, dhanka kalena waxaa ka xigay guryo ay degan yihiin saraakiil aan anigu ku jiro,” ayuu yiri Bashiir Gooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhulkaan uusan horay u ahaa jirin dhul ciidan, “Hadii maanta ay u jeedadu tahay in wax la dhisayo, waxay aheyd in la dhiso taliska guud ee ciidanka badda, marna ma garan in dhul xeeb ah oo qashinka magaalada uu isugu yimaado, in la yiraahdo talis ciidan ayuu noqonayaan, ma noqon karo dhul ciidan, laakiin anigu markii aan u fiirsaday arrintaan waxaan is dhahay, waxaan maxay noo jiheynayaan fowdadii iyo waxyaabihii aan ka soo gudubnay?” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Markii uu hadlay Taliyaha ciidanka badda, durbadiiba waxay dad badan tuhmeen in Taliyaha uu soo diray Madaxweyne Farmaajo oo fadeexo la raadinaya Ra’iisul wasaare Rooble, balse Jeneraal Bashiir Goobe ayaa tuhunkaas beeniyey.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isku fiican yihiin oo aad ay isku qadariyaan, “Markii la isqabsaday oo anigu aan khilaafka dhinac ka soo galay kadib, waxaan ku heshiinay inaan ka shaqeyno danta dalka oo aan is aamino, gaar ahaan labada xafiis ee dalka ugu sareysa, marka waxaan leeyahay qofkii doonaya inuu isku diro Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ha ku fekerin taas ma dhaceyso,” ayuu yiri Jeneraal Bashiir Goobe.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii