Wararkii ugu dambeeyey doorashada Galmudug iyo dib u dhac kale oo ku yimid

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inay weli hakad ku jiraan howlihii doorashada ee maamulkaas kadib khilaafkii soo kala dhex galay Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna, oo garab ka heleyso inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo.

Waxaa dib u dhacday doorashadii la filayey inay Dhuusamareeb ka dhacdo maadaama ay diideen musharixiinta inay is diiwaan geliyaan iyagoo ka cabanayo inuu jiro musuq maasuq iyo afduub ay dowladda Federaalka ku heyso howlaha doorashada.

Marka loo fiiriyo jadwalkii doorasho oo uu soo saaray guddiga doorashada garabka Dowladda Soomaaliya maanta waxaa lagu ballansanaa in la dhageysto khudbadaha Musharixiinta madaxweynaha halka berri ay tahay in la dhageysto kuwa madaxweyne ku xigeenka, balse waxaa muuqato inaysan jirin ifafaalahaas.

Maamulka Ahlu Sunna oo awood ku leh Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn qaabka ay u socoto doorashada Galmudug maadaama ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay afduubatay doorashada.

Ahlu Sunna ayaa dhawaan soo saartay jadwal doorasho oo ka madax banaan midda ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxayna ku hanjabtay inay maamul cusub dhisi doonto haddii aysan dowladda Dhexe joojin dhibaatada ay ku heyso doorashada sida uu hadalka u dhigay Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

Dhanka kale musharaxiinta u sharaxan xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa horay shuruudo adag ugu xiray guddiga doorashada, taas qayb ka ahayd waxyaabaha dib u dhac ku keenay hawlaha guddiga, maadaama ay mushrixiinta

Mustaqbalka dhismaha maamul Galmudug yeelato oo loo dhan yahay ayaa mugdi  sii galeyso, waxaana laga yaabaa inay Galmudug yeelato 3 madaxweyne haddii aysan wax iska badalin qaabka ay hadda wax u socdaan.