Somaliland oo shaaca ka qaaday ‘aargoosi’ ka dhan ah Cabdiraxman Guulwade

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii u horeysay shaacisay talaabada ay ka qaadi doonto Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo dhowaan inuu sax ahaa ku sheegay duulaankii dadka badan lagu xasuuqay ee dowladii kacaankii ay ku qaaday Somaliland.

Somaliland ayaa si cad u sheegtay inay ka aargoosaneyso Cabdiraxmaan Guulwade, isla markaana ay la tiigsaneyso sharciga, iyadoona ka dacweyn doonta dalka uu ka sito dhalashada labaad, sida ay sheegtay Yurub Abiib Cabdi.

Wasiir kuxigeenka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland, Yurub Abiib Cabdi ayaa maanta si adag uga hadashay hadalkaasi dhowaan ka soo yeedhay Guulwade, iyadoona xustay in Somaliland ay dacweyn doonto oo maxkamad la tiigsan doonto.

Wasiirada ayaa sidoo kale shacabka reer Somaliland ee ku nool qurbaha ka dalbatay inay gudbiyaan dacwad ka dhan ah Danjire Guulwade, oo ay ku sifeysay shaqsi isku cadeeyay gabood falkii uu ka geystay Somaliland.

“Xukuumad ahaan waanu daba-galeynaa Guulwade, meel uu ku bad-baadayana majirto oo isaga ayaa isku cadeeyay inuu dadkii laayay, una sabab ahaa xasuuqaasi, waana Ninkii Soomaali ugu caqliga xumaana” ayey tiri Wasiirad Yurub.

Waxayna intaas kusii dartay “Caalamka sharci baa ka jira, Xukuumaduhuna siday qof uga aargoosanayaanba, weliba Guulwade markhaati loo dooni maayo oo hadalkiisi baa ku filan, oo inuu xasuuqii sax ahaa oo dadkii ay leynayeen, Maxkamadaha caalamka ayaana Guulwade lala tiigsan doona”.

Wasiirada ayaa ugu dambeyntii ka dhawaajisay in Cabdiraxmaan Guulwade loo dacweeyo, sidii ay hore Dad reer Somaliland ah u dacweeyen Korneyl Yuusuf Tuke, oo ku eedaysnaa xasuuq iyo tacadiyo uu ka geystay Somaliland, isla markaana ay Maxkamad ku taala Mareykanka ay ku riday xukun.

Danjire Cabdiraxmaan Guulwade oo hore uga tirsanaa guddi uu Farmaajo u magacaabay Wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland, ayaa dhowaan warbaahinta ka sheegay hadalkaasi oo si weyn uga xumaadeen bulshada reer Somaliland, isla markaana abuuray xiisad hor leh.