Wararkii ugu dambeeyey doorashada GALMUDUG iyo halka la kala marayo (Aqriso)

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa si rasmi ah loo bilaabi doonaa sida ay shir jaraa’id uga dhawaaqeen guddiga farsamada & maamul u dhisidda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga waxey sidoo kale sheegeen in la xaliyay dhamaan tabashooyinkii ay qabeen beelaha qaar, sidoo kalana raali galin buuxda laga siiyay bulshada Galmudug dib u dhaca ku yimid xulista xildhibaanada.

Xiligaan wixii ka dambeeya si toos ah ayaa loo guda geli doonaa xulista Baarlamaanka Galmudug loona baahan yahay in xildhibaanada u diyaar garoobaan doorkooda cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Inkastoo guddiga ay sheegeen iney xaliyeen khilaafkii jiray, hadana waxaa jira wali qaar ka mid ah beelaha oo tabashooyin qaba kuwaas oo ku doodayo in la badalay saxiixayaashii rasmiga ahaa.

Waxaa kaliya la ogyahay in laga heshiiyay 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna, balse aysan jirin wax kale oo la ogyahay oo xal waara laga gaaray.

Howsha qabashada Doorashada Galmudug ayaa qaatay muddo badan waxaana Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay u qoran yihiin 69 Xildhibaan iyadoo aysan jirin hal oday dhaqameed oo lagala tashtay.