Yaa Mareykanka usii qishay weerarkii xalay ay IRAN ku qaaday saldhigyadiisa IRAQ?

Baghdad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Iraq ayaa shaaca ka qaaday in Iran ay usii sheegtay weerarkii xalay ay ku qaaday laba saldhig oo ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalkaas.

Iran ayaa dhowr iyo toban gantaal xalay la beegsatay saldhigyada Ain Al-Shamsi iyo Erbil, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Mareykanka ay ku dileen Jeneral Qasem Soleimani.

Inkasta oo Iran ay sheegatay dilka 80 askar, ayaa haddana askarta Mareykanka la rumeysan yahay inuusan wax dhaawac ama dhimasho ah kasoo gaarin weerarka, waxaana hadda soo baxaya warar ku saabsan in laga yaabo inay horey usii ogaayeen.

Afhayeenka ra’iisul wasaare Adel Abdul Mahdi ayaa sheegay in Iran kusoo war-gelisay in weerar soo socda. Adel Abdul Mahdi ayaa la rumeysan yahay inuu kadib xogtaas usii qishay Mareykanka, kadibna ciidamada Mareykanka ayaa sii galay dhufeysyo dhulka hoostiisa ku yaalla, taasi oo keentay inaysan wax dhibaato ah soo gaarin.

Sidoo kale dalalka xulufada la ah Mareykanka ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin labada saldhig ee Iran ay weerartay ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah aysan soo gaarin askartooda.

“Waxaa shaqeeyey habkeena digniinaha gantaallada” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wargeyska USA Today.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in xaqiiqda ah in weerarkaas aysan ku dhiman askar Mareykan ah, ay gobolka ka bad-baadisay dagaal, sababtoo ah Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu aargudan lahaa haddii askar ka dhiman lahayd.

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarkii Iran ay xalay qaadday uu ahaa “dharbaaxo wejiga looga duiftay” Mareykanka, waxaana uu ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan gobolka.