Wararkii ugu dambeeyey doorashada kursiga uu Macallimuu u tartamayo iyo rajadiisa

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa maanta shahaadada musharaxnimada guddoonsiiyey musharixiinta u tartameysa lix ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu wado in beri doorashadooda lagu qabto gudaha magaalada Beledweyne.

Musharixiinta shahaadooyinka qaatay oo gaaraya 12 ayaa u tartamaya kuraasta HOP006, HOP 022, HOP 003, HOP 032, HOP 252, HOP 068.

Sidoo kale musharixiintan ayaa waxaa ku jira afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo isaga oo dhaawac ah kursi xildhibaanimo u doontay HirShabelle, kadib markii uu maalmo ka hor kusoo laabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Macallimu ayaa loo xiray kursiga tirsigiisu yahay HOP068, waxaana la tartamayey nin lagu lagu magacaabo Maxamed Cabdicasiis oo ah darawalkiisa, isla-markaana qudhiisa ku dhaawacmay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee afhayeenka lagula beegsaday Muqdisho.

Tani ayaa ka dhigeysa in rajada Macallimuu ay tahay 100%, waxaana beesha kursiga iska leh iyo HirShabelle ay isku raaceen in lasoo saaro, maadaama isaga oo musharrax ah ay kooxda Al-Shabaab qarax culus kula beegsatay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Musharixiinta kale ee kuraasta loo xiray waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene iyo Cismaan Daallo oo lagu wado in dib loogu doorto Golaha Shacabka.

Dhinaca kale guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa soo saaray doorashada qaybtii labaad kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Beledweyne.

Kuraastan oo ah 11 kursi ayaa noqon doono kuwii ugu dambeeyey oo maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabanayo halkaasi.