Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamo xirtay wadada Garoowe iyo Boosaaso

Boosaaso (Caasimadda Online) – Guuto Bari oo ah Cutub ka tirsan ciidanka Daraawiishta maamul goboleedka Puntland ayaa maanta gadood sameeyey islamarkaana xirtay jidka u dhexeeya deegaanada Carta iyo Carwo ee gobolka Bari.

Ciidamada, oo ka yimid deegaanka Carmo ee Gobolka Bari, ayaa waxaa la sheegay in uu hoggaaminayo Sarkaal horey Ciidamo farabadan la soo galay Boosaaso, kaas oo lagu Magacaabo Ciise Yulux.

Ciidankan gadoodka sameeyay ayaa la sheegay inay ka cabanayaan mushahaar la’aan, waxayna xanibaad ku soo rogeen isticmaalka laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waa weyn ee Puntland, sida Boosaaso iyo Garowe, taasi oo culays badan ku keentay gaadiidka iskaga gudba inta badan gobolada Puntland.

Saraakiisha hoggaaminaysay ciidankaas ayaa ku wargeliyey gaadiidleyda inaysan ka gudbi doonin isbaaro ay halkaasi dhigteen, tan iyo inta laga siinayo xuquuq iyo mashaarka kaga maqan xukuumadda Puntland.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Puntland oo ku baxay halka ay wadada ka xirteen ciidankaas ayaa saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka dalbaday inay isbaarada ka qaadan laamiga, si wada-hadal loola furo, balse saraakiisha ayaa diiday dalabka odayaasha.

Ciidamada gadoodsan ayey weli u xirantahay wadadaas oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada Puntland, waxaana halkaas ku xanniban gaadiid badan oo sida shixnado iyo rakaab kala duwan.

Gadoodka ciidamadaas ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku soo beegmaya, xilli ay dhawaan wasaaradda maaliyadda Puntland ay sheegtay, inay bil kasta bixin doonto mushahaaraadka ciidamada iyo dhamaan shaqaalaha kale ee dowladda.

16-kii Bishii November ee sanadkaan ayay aheyd markii Ciidamo isugu jira kuwa Daraawiishta Puntland iyo Maleeshiyaad uu hoggaaminayey Ciise Yulux ay ku dagaalameen Koontoroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso, walow markii dambe xiisad ka dhalatay dagaalkaas ay xaliyeen waxgaradka Gobolka Bari.