Digniin culus oo laga soo saaray xariga Suldan Abshir & xiisad cusub oo ka dhalatay

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar, oo hogaamiya Jabhad si weyn uga soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa uu si adag uga hadlay xarigii ay dhowaan Xukuumada Biixi kula kacday Suldaan Abshir Maxamed Ducaale.

Suldaan Abubakar Wabar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xariga Suldaan Abshir, kaasi oo hadda muddo todobo cisho ka badan u xiran Xukuumada Muuse Biixi, isagoona xusay in Suldaankaasi xabsiga loo dhigay kadib markii uu ka damqaday macdanta gobolkaasi laga guranayo.

Wabar ayaa xariga Suldaan Abshir ku micneeyay mid gardaro ah oo la iska xirtay Suldaanka isagoona wax gaf ah galin, isla markaana laga dhago adeygay bulshada iyo salaadiintii kale ee isku deyday inay soo deyso Suldaankaasi.

Suldaan Abubakar Wabar oo luuqad adag kula hadlayey xukuumada Muuse Biixi, ayaa waxa uu muddo dhan saddex cisho u qabtay in Suldaan Abshir xoriyadiisa dib loogu soo celiyo, haddii kale ay ciidamadiisu ay soo xidhi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Biixi oo u dhigma Suldaanka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan leeyahay Nimanka xidhayow Saddex cisho gudahood hadaad ku soo deyn waydaan, aniguna waxaan amrayaa in rag la xidho oo u dhigma Suldaankaasi, hadaad soo deyn waydaan Suldaanka” ayuu yiri Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar.

Xariga Suldaan Abshir Maxamed Ducaale ayaa dhowaan waxa uu magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka dhaliyay xiisad hor leh, iyadoona bulshada reer Boorama ay qaarkood dhigeen banaanbax ay kaga soo horjeedaan xariga Suldaanka, iyadoo banaan-baxaasina lagu dhaawacay hal qof oo wiil dhalinyaro ahaa.