Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Jowhar iyo sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada HirShabeelle oo lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle.

Dagaalkan oo uu xoogiisu ka dhacay xaafadda Hanti-Wadaag ee magaaladaasi, ayaa yimid kadib markii  ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawisley ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin halkaasi, iyada oo la’isku adeegsaday huka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan lagu dilay Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle.

Sidoo kale khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu intaasi ka badan yahay, balse ma jiro wax faah faahin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfdhiya dhinacyada ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa daba socda xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macwiisley oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin oo loo yaqaano (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago ay ka qaadayeen gaadiidka.

Si kastaba Jowhar ayaa waxa ay horey ula daala-dhaceysay xaalad ka dhalatay fataahad wabiga Shabelle uu ka geystay magaaladaasi iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada.