Muxuu yahay dalabka adag ee Midowga Musharaxiinta ee ku aadan shirka 20-ka May?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka oo lagu wado beri oo ku beegan 20-ka May inuu dhaco magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka golaha midowga musharraxiinta mucaaradka, Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday in marka hore ka gole ahaan ay taageerayaan dadaallada xoogan ee uu wado ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Geelle ayaa sidoo kale dalbaday in musharraxiinta laga qeyb-geliyo shirkaasi, maadaama looga hadlayo is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaasi iyo wada-hadallada u bilaabanaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Midowga Musharixiinta waxa uu taageerayaa go’aanka uu Ra’iisu Wasaaraha ula wareegay qabsoomidda Doorashooyinka iyo wadahadalka balse shaqsi ma taageerin, rajo wanaagsan ayaa ka muujineynaa wadahadalka lagu ballansan yahay, waana in ay ka qaybgalaan Musharixiinta, Bulshada rayidka & dadka yaqaan dowladnimada kana soo shaqeeyay, miiska waa in laga dhigaa mid loo wada dhan yahay,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ra’iisul Wasaaraha aragtidiisu way nala qumaneed oo si wanaagsan ayuu usoo bandhigay, awoodda aan leenahay waxa aan rabnaa in uu guuleysto wadahadalkaas”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo beri oo Khamiis ah qorshuhu yahay inuu furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee uu horey u iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaari doono muranka hareeyey doorashooyinka dalka.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey wajaheysay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda, iyadoo aan heshiis laga gaarin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya sanadkan 2021-ka.