Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab iyo Itoobiya war kasoo saartay khasaaraha

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa 85 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku dilay dagaalkii dhacay Isniintii, waxaa sidaas sheegtay taliye la hadlay taleefishinka dowladda dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Arbacadii hore qaaday duulaan naadir ah, oo ay kaga tallaabtay xuduudda Itoobiya, kadib markii ay cagta marisay ciidan ku sugnaa deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa madax-xanuunka kusii kordhinaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo isku dayaya inuu sidoo kale xakameeyo kacdoon ay maleeshiyo hubeysan ka wadaan gobolka Oromiya, qanciyo ciidamada sida militariga u tababaran ee gobolka Amxaarada, islamakraana la heshiiyo Jabhadda Tigrayga. 

Ciidamada gobolka Soomaalida ayaa sheegay in dagaalka ka socda Feerfeer ay ku dileen 85 Al-Shabaab, islamarkaana gacanta ku dhigeen kuwa kale, sida uu sheegay taleefishinka ETV ee dowladda.

Taliye ka tirsan ciidanka Soomaalida oo la hadlay Reuters balse codsaday inaan la magacaabin ayaa intaas ku daray inay dileen 243 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah tan iyo markii kooxdan ay usoo tallaabtay Itoobiya Arbacadi tagtay.

Waxa uu sidoo kale qirtay in ciidankiisa laga dilay 22 askari.

Taliyaha ayaa sidoo kale la wadaagay Reuters sawirro muujinaya meydadka tobaneeyo askari iyo askari Itoobiyaan ah oo soo bandhigaya calanka madow ee Al-Shabaab.

Qof degan magaalada Feefeer ayaa dhinaca kale Reuters u sheegay in dagaalyahanadii Al-Shabaab dib loogu riixay xuduudda Soomaaliya, dagaalkii dhacay Isniintii.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin khasaaraha dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Feefeer.

Hase yeeshee Sheekh Fu’aad Shongole oo kooxdaas ka tirsan oo shalay hadal u jeediyay boqolaal ka tirsan dagaal-yahanaada Shabaab ee ku sugaan deegaanadaas ayaa u sheegay inay isku diyaariyaan weerar kale oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya, isaga oo ugu hambalyeeyay guul uu ka sheegtay dagaalka.

“Waxaa shaki ku jirin anaga dhaawac ma wadano, cadowga isaga jabay oo bakhtigiisa si uu u duugo waayay. Maanta anaga haddii aan ku rogaal celino waxaa gaareyna nasrigii hore mid ka weyn,” ayuu yiri Fu’aad oo hadal u jeedinayay dagaal-yahanada Al-Shabaab.