Wararkii ugu dambeeyey ee Galmudug, Xaaf oo beesha caalamka la hadlay iyo Deni oo go’aan culus qaatay

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay in uu diiday la kulanka  wafdigii dowladdu ay u dirtay Dhuusamareeb, isagoo mas’uuliyinta kale ee Galmudug ka dalbaday in wafdiga dowladda ay Xamar kulaabtaan hadii kale uu iskaga tagi doono Dhuusamareeb.

Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa la sheegay in ay haatan ku jiraan xalinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxtooyada Galmudug iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Qaar ka tirsan xubnahaas wada dadaalada lagu doonayo in lagu wada hadashiiyo Xaaf iyo Xukuumadda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay in aysan jirin wax kasoo naasa cadaaday dadaalkooda, isla markaana uu Madaxweyne Xaaf wali diidanyahay la kulanka wafdigii dowladda, iyagoo rajo xumo ka muujiyey in la is hor fariisiyo Xaaf iyo Xukuumadda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa la sheegay in uu garab isaag u muujiyey Madaxweyne Xaaf, sida ay noo sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kusugan Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale Warar Hoose oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa Sheegaya in Madaxwayne Xaaf uu la xiriiray Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in beesha Caalamka ay soo fara galiso xaaladda qasan ee Galmudug.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga yaabaa inuu Dhuusamareeb tago si uu wadahadalka ugu biiro maadaama ay Ahlu Sunna ku guuldareystatay inay Xaaf ku qanciso inuu aqbalo dalabka Dowladda.

Dhanka kale Ciidamo wata Gaadiid dagaal oo uu hoggaaminayo Wasiirkii maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad oo shalay lagu celiyey deegaan Godinlabe ayaa la sheegay in ay saakay yimaadeen deegaanka Mareergur oo qiyaastii 28KM u jira Dhuusamareeb, waxeyna wararkii ugu danbeeyey ee aan ka heleyno deegaankaas ay sheegayaan in Ciidamadii uu watay Wasiirku ay dib ugu laabteen deegaanka Godinlabe.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com