Madaxweyne Xaaf oo isaga baxay Dhuusamareeb

Dhuusomareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulkaas.

Xaaf oo aan ku qanacsaneyn wadahadalada u socdo Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa maalmihii dambe lagu celinayey Dhuusamareeb si uu qeyb uga noqdo wadahadlaka balse Xaaf ayaa arrintaas ka biyo diiday.

Madaxweyne Xaaf ayaa la xaqiijiyey inuu halkaas isaga baxay, waxaana jidka kusii sugayo Ciidamo tiro badan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad.

Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu Xaaf saldhigan doono Magaalada Cadaado.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegayo inuu aadi doono Gaalkacyo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com