Wararkii ugu dambeeyey ee magacaabista guddiyada doorashada GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug oo noqonaya maamulkii u dambeeyay ee soo gudbiya bedelka xubnihii guddiga doorashada ee cabashada laga muujiyey, ayada oo hore usoo gudbiyeen afarta dowlad goboleed ee kale.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyada Galmudug, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa kama dambeys illaa caawa xafiiska ra’iisal wasaaraha u gudbin doona xubnaha laga sugayay, kuwaasi oo dhan illaa shan xubnood.

Xubnaha uu Qoor-Qoor u gudbinayo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa noqonaya bedelka xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada labada heer.

Magacaabista uu madaxweynaha dowlad goboleedka sameynayo caawa ayaa meesha ka saareysa daahitanka dheeri ah oo ku yimaada hanaanka doorashada, sida ay Caasimada Online u sheegen saraakiil ka tirsan xafiiska Rooble.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa wareegto rasmi ah ku soo magacaabi doona Guddiga doorashada heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, si howshooda uga horeysa u bilaabato xareynta iyo seminaarada loo furi doono.

Waxay imaaneysa arrintaan kadib markii ra’iisal wasaare Rooble cadaadis hor leh ku saaray maamulada sidii ay si dhakhso leh ugu soo gudbin lahaayeen xubnaha guddiyada doorashada, si loo dar-dar geliyo howlaha doorashada.