Booliska oo shaaciyey xogta gabdho si qarsoodi ah loo dhoofin rabay iyo mid la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana warbaahinta la hadlay Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Afhayeenka ayaa ka hadlay laba kiis oo kala ah dad lagu soo qabtay iyagoo dhalinyaro u qalqaalinaaya safarro dibadda ah iyo gabar dhawaan meydkeeda laga helay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in 8-dii bishaan June ay hoggaanka baarista dembiyada ee booliska Soomaaliya ay soo qabteen 27 qof oo lagu eedeeyey inay si qarsoodi ah dalka uga dhoofinayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo aan ilaa hadda la xaqiijin halka loo waday iyo qorshaha ka dambeeyey, sida uu sheegay Afhayeenku.

23 ka mid ah dadkaas waa dumar, waxuuna sheegay Afhayeenku in dhammaan dhalinyaradaas la dhoofinayey aysan garaneyn halka loo waday markii ay su’aalo ka weydiiyeen, waxuuna ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay ka war hayaan carruurtooda.

Dhanka kale Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan ayaa sheegay in xalay xaafadda Galmudug ee degmada Dharkenley lagu arkay meydka garab lagu magacaabi jiray Caasho Maxamed Cabdicasiis oo aheyd Hooyo 20-sano jir aheyd.

Waxa uu sheegay in illaa hadda aan lagu guuleysan in la qabto cid ku eedeysan kiiska gabadhaas la dilay, isla markaana ay wadaan baaritaano xoog leh, si cadaaladda loo hor keeno dadkii geystay dilka gabadhaas.

Hoos ka Daawo