Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta keentay duqeynta Kenya ay ka waddo Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta keentay in duqeymaha ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka fuliyaan gobolka Gedo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duqeymaha Kenya uga hadlay dood ay si Online ah u qabatay warbaahinta Garowe Online oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad kun qof oo isugu jiray madax hore, kuwa hadda xil haya, siyaasiyiin iyo aqoon yahanno.

Isaga oo ka jawaabaya su’aallo kaga timid mid kamid ah ka qeyb-galayaasha kuna saabsaneyd duqeymihii u dambeeyay ee rayidku ku dhinteen laguna eedeeyay ciidamada Kenya, ayuu Xasan ka hadalka arrintaan oo kaliya uusan xal waara ku imaan karin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin sabab loogu cudurdaari karo duqeymaha ay Kenya fulineyso, balse wuxuu tilmaamay inay jirto siyaasad xumo, loona baahan yahay in xalka laga raadiyo hagaajinta siyaasadda.

“Horay waan uga hadalnay, haddana waan ka hadleynaa. Laakiin, cambaareyn kaliya xal kuma imaanayo duqeymaha Gedo waxaa keenay waa siyaasad xumo. Siyaasadda oo la hagaajiya ayuuna xalka ku jiraa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Kenya ayaa 3-dii bishaan duqeyn ka dhacday gobolka Gedo waxay ku dileen dad Shacab ah oo isku qoys ahaa, kuwaas oo ahaa curruur iyo hooyadood, waxaana falkaas aad u cambaareysay dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ciidamada Kenya aysan duqeymo ka geysan karin gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa duqeyntaas kadib sheegtay in Midowga Afrika ay u gudbineyso dacwad ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, balse waxaa hadda muuqata in laba dowladood ay isku soo dhawaanayaan.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey inay dib u bilaabaan xiriirkooda diblomaasiyadeed oo go’naa bilihii u dambeeyey, waxaana la filayaa in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ee Muqdisho iyo Nairobi.