Midowga Musharaxiinta oo Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyey dalab xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray dalab deg-deg ah oo la xiriira guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray baarista Askartii ay dowladda u qaaday dalka Eritrea, oo ay ku dalbanayeen in uu dib usoo magacaabo ra’iisal wasaaraha guddigaas.

Bayaan ay soo saareen Golaha ayaa ugu horeyntii lagu soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday ra’iisal wasaare Rooble, oo uu guddi heer qaran ah ugu magacaabay sidii ay baaritaan ugu sameyn lahaayeen cabashada Waalidiinta dhalintooda tobabarka loogu qaaday Eritrea ee ku aadan xaalada ubadkooda.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka uu qaatay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ah in uu magacaabo guddi heer qaran ah oo baaritaan ku sameeya dacwooyinka ay soo jeediyeen waalidiinta ee la xiriira xaalada ubadkooda oo tobabar ciidan ugu maqan dalka Eritrea iyo eedeymo ay baahisay Hay’adda xuquuql insaanka QM oo ah in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen dagaalada sokeeye ee dalka Ethiopia,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga uu magacaabay ra’iisal wasaare Rooble uusan ka turjumeyn guddi xaqiiqo raadin sax ah, maadama ay qeyb ka yihiin guddigaas wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda ku eedeysan arrintaas.

Golaha ayaa ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in si umadda Soomaaliyeed ay ugu kalsoonadaan guddigaan uu sida ugu dhaqsaha badan dib usoo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah, asaga oo ka saaraya mas’uuliyiinta dowladda ee qeybta ka ah.

“Dowladda Soomaaliya waa inay ka waantoowdaa jahwareerka iyo marin-habaabinta ay ku hayso umadda oo ah inay mar walba gacan-bidixeeyaan oo aaney si xalaal ah u gudaneyn howlaha qaran sida dacwadda waalidiinta iyo doorashooyinka dalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

“Golaha wuxuu mar labaad ku boorinayaa Mudane Rooble in uu si deg-deg ah usoo magacaabo guddi hor leh oo raali laga wada-noqon karo oo hanan kara kalsoonida waalidiinta dacwada qaba iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.”