Wararkii ugu dambeeyey ee qalalaasaha Addis Ababa iyo dhimasho badan oo jirta

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Maalmihii u danbeeyay waxaa sii xoogeysanayay falalka amaan darri ee ka jira gudaha dalka Itoobiya xilli xukuumadda dalkaasi ay isku dayeysay iney soo afjarto kala duwanaanta ka dhex taagan qowmiyadaha kala duwan ee dalka.

Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Gambela ee galbeedka caasimadda Addis Ababa ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan saaka lagu soo daadiyay xaafadaha iyo waddooyinka isla markaana ay bilaabeen qabqabashada dadka ka dib markii magaaladasi ay ka dhaceen falal dilal ah.

Sida aan ka soo xigannay ilo wareedyo xagga saxaafadda ah, koox hubeysan ayaa gsaaka udaha magaaladasi ku dishay wiil dhalinyaro ah iyadoona arrinkaas loo sababeynayo aanooyin qabiil.

Ciidamada Booliska ee sida Milatariga u tababaran ayaa xiray goobaha ganacsiga iyo waddooyinka qaar, waxaana ay qabqabteen tiro badan oo dhalinyaro ah.

Dhanka kale, isla magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay howlgallo raaf ah ka dib markii dhalinyaro loo maleynayo iney taabacsan yihiin xisbiyada Oromada ay ku kaceen falal ka dhan ah qowmiyadaha kale.

Falalkaas ayaa sidoo kale loo sababeeyay khilaaf ka dhex oogan xisbiyada Oromada iyo kooxaha Mucaaradka ee dhawaan nabadda qaatay, waxaana la soo sheegay in axsaabta qaar ay labo u kala jabtay isla markaana hadda ay ku loollamayaan deegaanada dhaca mandiqadda Addis Ababa.

Dalka Itoobiya oo dhawaan ay ka dhaceen isbadallo siyaasadeed oo waaweyn ayaa hadane la rumeysan yahay in wali ay aasan yihiin aanooyinka u dhexeeya qowmiyadaha, waxaana hadda billowday dhalleeceymo loo jeedinayo R/Wasaare Abiy Axmed oo la xiriira inuu dhinac la noqday qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
Caasimada@live.com