2 ka mid ah ilaalada Gaas oo lagu toogtay agagaarka madaxtooyada Puntland

Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka mid ah Ciidanka gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland lagu dilay magaaladaas, mid kalena lagu dhaawacay.

Dilka iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay ka baxsadee.

Ciidamada Puntland ayaa durba howlgal ka bilaabay magaalada Boosaaso, iyadoo weli aanay jirin cid howlgalka lagu soo qaban.

Magaalada Boosaaso ayaa Xiligan Waxaa ku sugan Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli  Maxamed Cali Gaas, oo dhowaan kasoo laabtay socdaal uu ku tagey gobolka Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com