Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Balcad, gaar ahaan nawaaxiga warashadda Xeyla Bariise ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo khasaare kala duwan geystay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay agaasime waaxeedka deegaanka Daaru-salaam ee degmada Yaaqshiid.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in miinadan ay ku dhinteen illaa labo qof, sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamay in qaraxaan ay ku burburtay mooto Bajaaj mareysay wadada, xilliga ay qaraxday miinada oo aheyd nooca dhulka lagu aaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah, kadib dhacdada.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan qaraxyo, kuwaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.