Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb (Aqriso)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ay ka maqan yihiin madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Shirka oo habeen hore furmay ayaa waxaa goob-joog ah Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle,Galmudug iyo Duqa magaalada Muqdisho, iyaga yeeshay kulamo xasaasi ah oo looga hadlay xaaladda dalka.

Madaxda ayaa illaa iyo hadda waxay ka wada-hadleen dhageysiga warbixinta xubnaha guddiga farsamo ee tala bixinta doorashada dalka, guda gelista doodaha hordhaca ah oo ay madaxdu ka yeelanayaan talo soo jeedinta xubnaha guddiga si ay isula meel dhigaan, talooyinka doorashada 2020/2021 iyo qaabka looga gacansiin karo guddigaas.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay kulamadooda ku soo qaadeen sidii ay shirkooda ugu soo biiri lahaayeen Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo horey u qaadacay shirkaasi.

Jubbaland iyo Puntland ayaa horey shuruudo adag ugu xira ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3, sida in la magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si ay ugula xisaabtamaan fulina qodobada lagu heshiiyo ee ku aadan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Xaaladda ayaa muuqata inay tahay mid isku cakiran, balse Madaxweynaha Galmudug ayaa si rasmi ah habeen ka hor ugu dhawaaqay inuu shirka furan yahay, waxaana kulankii koowaad shir guddoomiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llahi Farmaajo.