Sawirro: Dibadbax ballaaran oo ka dhacay magaalada Baydhaba + Ujeeddada

Baydhabo (Caasimada Online) – Boqolaal shacab ah oo maanta isugu soo baxay wadooyinka ayaa maanta dibad-bax ka dhigay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Banaan-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday Kufsiga caruurta yar-yar, gaar ahaan wiilal la sheegay in dhowaan lagu fara-xumeeyey gudaha magaaladaasi.

Dibad-baxayaasha oo isu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa watay boorar iyo sawirro ay ku muujinayaan sida ay uga xun-yihiin dhacdadaasi.

Sidoo kale qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa ku taageeray Koonfur Galbeed go’aankii ay ku toogatay labo nin oo lagu soo eedeyey falkaasi, kuwaas oo sida la sheegay qirtay.

Caruurta yar-yar ee la Kufsaday ayaa mid ka mid ah uu geeriyooday, halka midka kale uu jiro xaalad adag, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka iyo qaar ka mid ah ehellada.

Koonfur Galbeed ayaa horey u shaacisay inay deegaanadeeda, gaar ahaan magaalada Baydhabo ay ku soo bateen falalka ka baxsan sharciga, sida Kusfiga iyo dhibaatooyin kale.