Somaliland oo isku dayeysa inay ictiraaf raadinta u marto aqoonsiga Israel

Hargeysa (Caasimada Online)  Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa markii u horeysay soo jeediyay in xukuumada Muuse Biixi ay aqoonsato dowladda Yuhuuda ee Israel.

Xildhibaanka ayaa ku doodaya in Israel ay ku dhiiran karto ictiraafka ay mudada badan baadi-goobeysay Somaliland, haddii ay u aqoonsato dowladda jirta oo dhulkaasi leh, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Nac-Nac ayaa sheegay in kala duwanaashaha diimaha aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn xiriirada diblumaasiyadeed iyo dadaalada ay ugu jirto ictiraaf raadinta.

“Somaliland waa inay ictiraafto dowladda Israel, inagu isku diin ma nihin ee aynu aqoonsano inay tahay dowlad jirta oo dhul leh, iyaguna wey na ictiraafayaan” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in aqoosniga Israel uu horseed u noqonayo in Somaliland ay hesho ictiraaf buuxa, isla markaana ay noqoneyso dalkii u horeeyay ee aqoonsada, xili ay arrinkaasi weli ka war-wareegayaan dalal badan oo xiriir fiican uu kala dhaxeeyo.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imanaya xili ay Somaliland bogaadisay heshiis ay dhawaan wada gaareen Israel iyo Imaaraadku, kaasi oo dhigayay inay Israel joojiso deegaamayntii ay ka wadday Dhulka Falastiin.