YUUSUF GARAAD oo faallo ka qoray wejiga uu yeeshay SHIRKA Dhuusamareeb 3

Gogosha Soomaaliyeed ee Galmudug

Waan soo dhoweynayaa, waana garab taagan ahay baaqa Madaxweynaha Galmudug uu u jeediyay Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Jubaland in ay ka qeyb galaan shirka Dhuusa Marreeb 3 sidii ay ballantu ahayd.

Ka qeybgalka Puntland iyo Jubaland wuxuu kaamilayaa shirka, wuxuu oofinayaa ballantii ay la galeen Madaxda kale iyo ballantii ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ka qeyb galku ka markhaati kacayaa sida ay diyaar ugu yihiin in heshiis la gaaro.

Aniga oo akhriyay shuruudaha Puntland ku xirtay ka qeybgalkeeda Shirka Dhuusa Marreeb Saddex, aniga oo arkay afarta qodob ee dhaliisha ah ee Jubaland iyo soo jeedinteeda, haddana qormadani kuma saabsana qiimeynta shuruudahaas iyo talooyinkaas.

Haddii Puntland iyo Jubaland laga qancin waayo qodobadaas, waxaan qabaa in ay ka miisaan iyo culeys badnaan doonaan marka laga jeediyo Madasha Dhuusa Marreeb Saddex gudaheeda ama shir doceed Saxaafadeed oo ka dhaca Dhuusa Marreeb.

Puntland iyo Jubaland iigama baahna xusuusin in ay jiraan siyaasiyiin iyaga ku mowqif ah, tiro ay la ekaadaanba.

Waan bogaadinayaa Madaxda uu Madaxweynaha Federaalku ugu horreeyo ee Dhuusa Marreeb iska xaadiriyay xilligii lagu ballamay. Si gaar ah waxaan u soo dhoweynayaa Duqa Caasimadda oo markii ugu horreysay wajiga saddexaad ee shirka soo xaadiray.

Waxaan xusuusinayaa in Shirarkii Dhuusa Marreeb Kow iyo Laba ay ka soo baxday natiijo wanaag ah oo loo baahnaa laakiin aan la sii qorsheyn. Waa is-dhexgalka siyaasiyiinta iyo waliba ciidanka iyaga oo aan colaad ku kala maqneyn haddana is aamminaaddu ay yarayd.

Si gaar ah waxaan u jecleystay isdhexgalka Galmudug iyo Puntland, siiba ciidanka labada dhinac oo ilaalo negi iyo mid safar dheer oo dhulka ahba isula howlgalay si saaxiibtinnimo iyo walaalnimo ah.

Ugu dambeyn, waxaan ku baaqayaa in laga dhowrsado go’aan ka soo baxa Dhuusa Marreeb Saddex oo noqda mid wax u dhima iskaashiga iyo yididdiilada cusub ee u dhexeysa Madaxda Galmudug iyo Puntland. Iyo gaar ahaan kalsoonida ciidanka labada Dowlad Goboleed ee deriska ah, kuwaas oo doorashada ka hor iyo ka dib labadaba looga fadhiyo wadashaqeyn iyo iskaashi walaalnimo.

Yuusuf Garaad waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, safiirkii hore ee Soomaaliya ee QM, iyo madaxii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid