Afar sabab oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ku diidan yihiin shirka Dhuusamareb 3

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa qaadacay shirka Dhuusmareeb 3, ayaga oo eedeyn culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka, soona bandhigay shuruudo ay doonayaan in la fuliyo si ay mar kale ula fariistaan.

Qoraalladii ay soo saareen labada maamul goboleed, ayayaa waxaa ku jiray qodobo ay Saciid iyo Deni iyo Axmed Madoobe ku diideen inay la fariistaan madaxda federaalka, waxaana ugu waa weyna:-

Radistii Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sababaha uu xilka ku waayey oo ay u beegsadeen madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal, waxaa ka mid ahaa inuu ku aragti ahaa maamul goboleedyada oo uu doonayey doorasho dadban, kana soo horjeeday muddo kororsi.

Tegitaankii Kheyre waxay meesha ka saartay isbaheysi culus oo madax goboleedyada ay haystaan, oo mowqifkooda ka dhigi karay mid ka gadmaya beesha caalamka.

Qodobadkii ay Jubland ku diiday shirka Dhsuumareeb waxaa ka mid ahaa arrintan, waxaana qoraalka Jubaland ku jiray qodob u dhignaa sidan: “ Waxaa meesha laga saaray xukuumaddii hogaamin lahayd arrimaha doorashada ayad oo aan mid kalana la magacaabin.”

Heshiisyadii hore oo aan la hirgelin

Puntland iyo Jubaland waxay si wada jir ah u caddeeyeen in qodabadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 2 aan waxba laga hirgelin, sidaas darteedna aysan macno sameeyneyn in mar kale la isku yimaado ayada oo aan arrintaas la xalin.

Qoraalka Puntland ayaa lagu yiri “Madaxweynuhu wuxuu muujiyey in aysan jirin wax go’aano ah oo kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2. Madaxweynuhu wuxuu sii tilmaamay in uusan qayb ka ahaan doonin wax go’aano siyaasadeed ah oo lagu gaaro Dhuusamareeb 3, isagoo u balan qaaday Baarlamaanka in uu dib uga soo celin doono wax kasta oo shirka kasoo baxa si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah, taas oo muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu leeyahay qorshe ka duwan kan lagu heshiiyo Dhuusamareeb 3 ee qabsoomidda doorasho xilligeedii ku dhacda.”

Jubaland ayaa iyana tiri “Waxaa xusid mudan, in shirkii dhuusamareeb 2 ka dib uu hogaanka dowladda Federalka ah qaaday tallaabooyin aan u adeegayn hirgalinta wixii lagu heshiiyay, caqabadna ku ah shirkii ballansanaa ee dhuusamareeb 3, isla markaana dib u soo abuuray kalsooni darradii iyo walwalkii laga qabay mustaqbalka dalka.”

Aaminaad la’aanta Farmaajo

Maadaama Jubaland iyo Puntland ku eedeeyeen dowladda dhexe inaysan fulin qodobadii hore, waxay rumeysan yihiin in wax kasta oo kasoo baxa shirka Dhuusmareeb 3 ay waddadaas oo kale mari doonaan, waana sababta aysan u aamineyn dowladda, sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

Waxay labaduba dalbadeen in beesha caalamka ay goobjoog ka noqoto wada-hadallo kasta oo hadda kadib dhacaya.

Puntland waxay tiri “Dowladda Puntland waxay ku baaqaysaa in shirku noqdo mid ka qayb-galkiisa ay u dhanyihiin Madaxda Dowladda Federaalka ah, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Diblamaasiyiinta Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.”

Jubaland ayaa iyana qoraalkeeda ku tiri “Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka inay Soomaalida ka caawiso qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 loo dhanyahay lagana miro dhaliyo natiijooyinkiisa.”

Aqalka Sare oo la awood tiray

Ayada oo dastuurka dalka uu qorayo in dhammaan xeerarka dalka ay ansixiyaan labada Aqal ee baarlamanka, ayaa madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal ay go’aansadeen inay meesha ka saaraan Aqalka Sare, maadaama ay u arkeen inuusan ku aragti ahayn.

Sharciyo badan oo la xiriira doorashooyinka ayuu ansixiyey golaha shacabka, waxaana saxiixay madaxweynaha ayada oo aan la marin baarlamanka, taasi oo Puntland iyo Jubaland ay ka carroodeen, maadama Aqalka Sare uu matalo maamul goboleedyada.

Jubaland waxay mid ka mid ah sababaha ay shirka ku diiday ku sheegtay “Ku xadgudubka matalaadda aqalka sare ee baarlamaanka DFS sida ku xusan qodobka 61aad faqradiisa 3 iyo qodobka 71-aad ee dastuurka KMG.”