Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Camaara iyo cida hadda gacanta ku heysa

Camaara (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo ka dhacay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac iyo Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib ay Al-Shabaab u suura-gashay inay muddo kooban la wareegto gacan ku heynta deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay ina qabsatay 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay hadalka u dhigtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay dagaalkan, waxaana saraakiil ka tirsan milatariga ay shaaciyeen inay khasaare gaarsiiyeen raggii weerarka qaaday.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa haatan ku warramaya in ciidamada huwanta oo qaaday dagaal rogaal celis ay dib ula wareegay deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, kadib dib loo riixay dagaalyahanada Al-Shabaab ee saaka weerar ku galay deegaankaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in howl-gal ay barbar socotay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen koonfyrta gobolka Mudug.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac, walow tiro aan la shaacin inta uu gaarsiisan-yahay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfura gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Camaara ayaa xudun u noqotay howl-gallada ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo deegaano cusub looga qabsaday dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.