Wararkii ugu dambeeyey ee xiisada gobolka Somalida

Jigjiga (Caasimada Online) – Dadka aan Soomaalida ahayn ee ku sugan magaalada Jigjiga ayaa isku aruursanaya Kiniisad wayn oo ku taalla magaalada Jigjiga iyaga oo wata burar iyo baangado, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Dadkan oo dhallinyaro u badan ayaa markii hore kiniisadda u tagay si ah u difaacaan maadaama oo ay jiraan kuwo kale oo la gubay.

Waddada ay kiniisaddaasi ku taallo ayaa go’an iyadoo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan.

Dad Soomaali ah oo iyaguna is aruursanayay ayay booliisku dib u celiyeen, waxaana magaalada dhex maraya gawaari ay cod baahiyeyaal ku xiran yihiin oo dadka lagaga dalbanayo in ay is dajiyaan rabshado dambana aysan gaysanin.

Booliiska caadiga ah iyo ciidammada gaar ah ee Liyuu Booliis ayaa wadooyiinka magaalada gaaf wareegaya iyaga oo qaar ay lugaynayaan iyo kuwo kalana ay gawaari adeegsanayaan.

Dhinaca kale, Magaalda Diridhaba ayaa maanta degen, waxaana caadi ku soo noqday isu socodkii gaadiidka dadwaynaha, sida ay BBC-da u sheegeen dad magaalada ku sugan.

Booliis ayaa aad loo dhoobay waddooyinka magaalada, waxaana jira kuwo kale oo baabuur wata oo gaaf wareegaya magaalada.

Rabshado ayaa Dirdhabo ka dhacay Axaddii, kuwaas oo la sheegay in ay dabo socdeen kuwii ka horeeyay ee Sabtii ka dhacay magaalada Jigjiga.

Dad Soomaali ah oo daganaa Xaafadaha ay Oromadu ku badan tahay ayaa sheegay in ay guryahooda ka carareen ka dib markii la gubay guryo ay Soomaali lahayd.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo ka hadashay rabshadaha ayaa sheegtay in ay sugi doonto ammaanka shacabka iyo hantida dalka.

Isha: BBC Somali