Wararkii ugu dambeeyey garoonka Muqdisho iyo diyaaraddii shilka ku gashay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hawlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inay caadi kusoo noqonayaan kadib markii goor hore ay diyaarad ku degtay candhada dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado, mana jirto wax rakaab ah oo saarnaa sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Garoonka.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay inay diyaaraddan ay taayarradu u bixi waayaan. Diyaaradda ayaa xammuul gaysay magaalada Diinsoor, waxaana la sheegay inay dib ugu soo laabanaysay magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in shaqaalaha garoonka ay ka shaqaynayaan sidii diyaaradda looga wareejin lahaa dhabbaha ay diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.

Diyaaraddan ayaa ah nooca xammuulka, waxaana ay u rarnayd mid ka mid ah shirkadaha gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa hadda socda baaritaanno ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com