Wararkii ugu dambeeyey geerida Maxamed Morsi iyo arrimo soo shaac baxay

Qaahira (Caasimada Online) – Side ay sheegtay dowladda Masar, madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi ayaa shalay ku geeriyooday maxkamad ku taalla magaalada Qaahira oo lasoo taagay halkaasi oo uu ku miir beelay.

Si kastaba waxaa weli taagan shaki laga qabo sax ahaanshaha sida ay dowladda u sheegtay qaabkii uu u geeriyooday. Qoyskiisa iyo kuwa taageersan ayaa dalbanaya baaritaan caalaami ah oo lagu sameeyo geeridiisa.

Wiilka madaxweynihii hore, Cabdullah Maxamed Morsi ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ilaa iyo hadda aysan qoyskiisa ogeyn halka lagu hayo meydka aabihiis. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale mas’uuliyiinta Masar ay diideen in madaxweyne Morsi lagu aaso xabaalaha qoyskiisa.

Morsi ayaa waxaa uu qabay dhibaatooyin caafimaad oo badan oo ay ka mid yihiin cudurka sonkorta iyo xanuunada beerka iyo kilyaha. Waxaa asiibay dayacaad caafimaad intii uu xabsiga ku jiray, oo ay usii dheer tahay xaaladda liidatay ee xabsigii lagu hayey.

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa jiray warbixino kala duwan oo sheegayey in si xun ay ula dhaqmeysay dowladda Masar, oo xitaa marar badan lagu jir dilay gudaha xabsiga.

Hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Wtach ayaa geerida Morsi ku qeexday mid aad u xun balse la filan karay, sababta oo ah dowladda Masar oo u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan.

“Dowladda Masar ayaa maanta xambaareysa mas’uuliyadda dhimashada Maxamed Morsi, sababtoo ah ayadaa u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan iyo xuquuqda aas-aasaiga ah ee maxaabiista” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda Human Right Watch.

Morsi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loogu dooraty dalka Masar ayaa talada la wareegay kadib kacdoonkii sanadii 2011 ka dhacay dalkaas ee xukunka looga tuuray madaxweynihii kali taliska ahaa ee muddada dheer xilka hayey, Xusni Mubaarak.

Morsi oo ku dhashay Giza al-Ayat ayaa ahaa aqoonyahan iyo Injineer kusoo caan baxay ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin, ka hor inta aan madaxweyne loo dooran 2012.

Waxaa xukunka laga tuuray sanadii 201 kadib afgambi ay sameeyeen miltariga oo uu hoggaaminayey wasiirkiisii difaaca xilligaas, ahna madaxweynaha iminka Cabdul Fatax Al-Sisi.

Morsi ayaa xukunka hayey kaliya hal sano oo ka mid ah afartii sano ee la doortay. Sidoo kale kooxdiisa Ikhwaanul Muslimiin ayaa kadib markii xukunka laga tuuray laga dhigay koox sharci darro ah oo aan laga ogoleyn Masar.

Halkan ka daawo muuqaalka sirtii uu Mursi doonayey inuu shaaciyo
Halkan ka daawo muuqaal ku saabsan sidii uu u dhintay Mursi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com