Wararkii ugu dambeeyey Guriceel iyo ciidamada Anas Cabdi oo u dhaqaaqay…

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Guriceel ee gobolkaasi, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladdu ay aad u kacsan tahay, isla-markaana laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka Ahlu Sunna.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa haatan wada barakicii ugu xooganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta colaaddaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo uu hoggaaminayo guddoomiya Guriceel Anas Cabdi Macalin oo horey ugu sugnaa deegaanka Odaale ay fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Hareele oo hoostaga magaaladaasi halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq.

Dhanka kale ciidamada dowladda Soomaaliya oo horey ugu sugnaa deegaanka Gowd Wiil oo waqooyi ka xiga Guriceel ayaa ruqaansaday dhanka magaalada, kuwaas oo haatan saldhig milatari ka sameystay meel qiyaastii 7 KM u jira magaalada Guriceel.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay dhinaceeda ay guluf ka wado magaalada, iyada oo billowday inay baaris ku sameyso gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda Guriceel, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo waxbarashada iee magaaladaasi.

Dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna aya weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horey dagaal ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug.