Maleeshiyo beeleed maanta ku dagaalamay welina isku horfadhiya MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubeysan oo u abuulan hab beeleed ayaa haatan isku horfadhiya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo maanta ku dagaalamay gudaha degmadaasi.

Iska hor imaadka oo khasaare geystay ayaa ka dhacay xaafadda loo yaqaano 77 oo ka tirsan degmada Dayniile, waxaana weli isku horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaas oo ay isku hayaan maleeshiyaadka diriraya oo weli isku horfadhiya halkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 2 qof oo uu mid ka mid ah ka tirsan yahay maleeshiyaadka ayaa dhaawacmay, halka qof kale ay tahay haweeney ka mid ah dadka deegaanka.

Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa weli aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay haatan wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay isaga barakaacaan guryadooda, si aysan waxyeelo uga soo gaarin iska hor imaadkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan israsaaseyntaasi geysatay khasaaraha.

Xaafadda 77 ee Dayniile waxaa marar badan ku soo noq-noqday dagaallada u dhexeeya maleeshiyaad oo isku haya arrimo dhul, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.