FIQI oo WEERAR ku qaaday Jeneraal Odowaa kana digay arrin uu damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar culus ku qaaday Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan caasimada maamulka Galmudug.

Axmed Fiqi ayaa ku eedeyay Odowaa in uu kal hore hogaaminayey dagaalkii muddo kororsiga qasabka ahaa ee Muqdisho, uu maanta dagaal u aaday maamulka Galmudug, gaar ahaan Guriceel oo ay isku hayaan maamulka Qoor Qoor iyo hogaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Waxaa uu ku tilmaamay taliyaha mid aan fahamsaneyn waajibaadka xilka loogu dhiibay, isagoo sheegay inuu qaadayo mas’uuliyada tallaabooyinka guracan ee ay wadaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Odowaa wuxuu dagaal u aaday Guriceel asagoo sheeganaya taliyaha ciidanka XDS, shalayna wuxuu hogaaminayey dagaalkii muddo kororsiga qasabka ah ee Muqdisho iyo kii banaanbaxyada lagu diidanaa!. Wuxuu dhabarka u ridanayaa oo lagula xisaabtami doonaa mas’uuliyadda ficilkiisa gurracan ka dhalata, ayadoo ay muuqato inuusan fahamsanayn waajibaadka xilka loo igmaday!,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Dhammaan wuxuu soo joojiyay furimihii dagaalka ee ciidamada XDS ay kula jireen argagixisada, uma malaynayo taliye ka mid ah kuwii soo maray XDS inuu yeeli lahaa waxa Odowaa yeelayo iyo sida loo isticmaalayo. Waa nasiibdarrada ciidamadeena ku habsatay!.”

Axmed Fiqi ayaa xilkii Wasiirka amniga Galmudug iska casilay kadib markii laga dhageysan waayey in laga baaqsado dagaal, islamarkaana ay isku fahmi waayeen madaxweyne Qoor-Qoor in xilligaan aan lala dagaalin Ahlu-Sunna.

Saraakiil uu kamid yahay Odowaa ayaa madaxweynaha maamulka Galmudug la wada qorshe dagaal looga saaray Guriceel ciidamada ay wataan Ahlu-Sunna oo kal hore looga adkaaday maamulkaas.