Loolanka Fahad Yaasiin iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir ee kursiga BF ee HOP#86

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa billowday loolanka kursiga Golaha Shacabka ee la filayo in uu isku soo taago Taliyihii hore ee NISA, ahna la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin, kaasi oo ay sumadiisu tahay Hop#86.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo isku beel yihiin Fahad Yaasiin.

Faarax Cabdulqaadir ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in kursigaas uu heli doono qofka kalsoonida ka hela kursigaas, islamarkaana ay guusha go’aamin doonaan ergada codeynaysa.

“Kursiga beel ayaa iska leh qof kasta oo beesha ka tirsan waa la yaqaana xaq ayuu u leeyahay inuu ku tartamo, cid iyo sharci ka hor istaagi karta anaga aan ogahay majirto, waxay ku xiran tahay beeshaas codadkeeda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan Musharaxiin kale oo hunguriyeynaysa kursigaas, hase yeeshe isaga iyo Fahad Yaasiin waa labada nin ilaa hadda ugu miisaanka culus, loolanka ugu xoogana uu dhexmarayo.

“Ninka odeyga ah (Fahad Yaasiin) ee aad sheegayso 2016-kii ma tartamin. Anigu wal-wal aan ka qabo ma jiro, weliba anuu waxaa aaminsanahay dadka qaba in xor u yihiin, waa in la aqbalo cidii ku guuleysata tartankaas.”

Fahad Yaasiin oo hore u ahaan jiray Taliyaha NISA ayaa hadda La-taliye u ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, wuxuuna rabaa in uu kusoo baxo mudaneyaasha baarlamaanka cusub ee dalka.