Raila Odinga oo ololihiisa ku daray dib usoo celinta arrin Kenyatta uu ka dhaadhicin waayey Farmaajo (Aqriso)

Nairobi (Caasimada Online) – Raila Odinga oo kamid ah musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynimo ee doorashada Kenya ee 2022 ayaa ololihiisa si rasmi ah ugu daray inuu dib usoo celin doono suuqa qaadka Kenya iyo Soomaaliya oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo joojiyey sanadkii tegay.

Qaadka ay Kenya usoo dhoofin jirtay Soomaaliya oo muwaadiniinteeda ay ka heli jireen dhaqaale aad u badan ayaa waxaa joojisay dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay labada dowladood, wuxuuna Odinga ballan qaaday inuu dib usoo celin doono suuqaas si uu cod uga helo dadka Kenyanka ah ee ku tiirsanaa dhaqaalahaas.

Odinga oo khudbad ka jeedinayey magaalada Mau ee Ismaamulka Meru ayaa xusay inuu ka war qabo dhibaatada dhaqaale xumo ee heysata dadka deegaanka, taasoo sababta ugu weyn ay tahay xirnaanshaha suuqii qaadka ee dalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqaarida Congo.

Raila ayaa taageerayaashiisa uu la hadlay waxa uu ku dejiyay in uu ka shaqeynayo haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Kenya ee doorashada sanadka 2022-ka in uu u raadinayo suuqa qaadka ee Soomaaliya.

“Waxa aan fahamsanahay dhibaatooyinka heysta Beeraleyda Qaadka, waxaa iga go’an in aan xal u raadiyo sidii ay u heli lahaayeen Suuqa loo iib geeyo Jaadka sida Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,” ayuu yiri Raila Odinga oo u muuqday mid fursadaan u arko mid ka saacidi karta ku guuleysiga doorashada.

Raila Odinga waxa uu sheegay in ay Somaliland horey ugu heshiiyeen in Qaadka Miirooga loo dhoofiyo, laakiin ay dowladda Soomaaliya ka hor -joogsatay in Kenya halkaas u dirto.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Odinga haddana ah madaxa Xisbiga ODM ayaa dhanka kale ballan qaaday in uu xal u raadinayo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya oo xooggeystay wixii ka dambeeyey markii dacwadda Badda laga gudbiyay Nairobi, wuxuuna xusay inay tahay in labada dal ay diiradda saaraan maslaxadooda.

Dowladda Kenya ayaa marar badan awoodi weysay inay dib usoo celiso suuqaas, waxayna dowladda Soomaaliya suuqii Qaadka u wareejisay dalka Itoobiya oo u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo, waxaana adag in suuqaas dib loo soo celiyo haddii uu mar kale dalka madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaadka Kenya ayaa hadda lagu iibiyaa qaar kamid ah suuqyada Qaadka ee Soomaaliya, waxaana qaab suuq madow ah usoo geliyo dalka ganacsato, balse uma badno sidii uu ahaan jiray.