Farmaajo oo taariikh cusub u dhigay madaxdii xukunka SOOMAALIYA soo martay

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa maalmo dheeri ah doorasho la’aan sii jooga xukunka dalka, mana muuqato saansaan muujineysa in dhawaan la qaban doono doorasho taasi oo dheereeneysa maalmahaan ugu darsoomay muddo xileedkii loo dhaariyey ee sharciga ahaa.

Shacabka waxay tirinayaan maalmaha Farmaajo u raacay afartiisa sano, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa kadib dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Tan iyo sanadkii 2000 Soomaaliya waxay yeelatay Shan madaxweyne, mana jiro madaxeyne doorasho ku qabtay muddo xileedkiisa ama mid ku jaangooya maalintii la doortay maalinteeda kale, madaxweyne kastana waxaa u raacay muddo dheeri ah.

Hase yeeshee, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu hadda heystaa rikoorka madaxeynihii waqtiga ugu badnaa ee xilka hayey ama ugu xukunka dheeraa wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Shax xisaabeedka iyo maalmihii ay xilka hayeen Shantii madaxweyne ee Siyaad Barre ka dambeeyey

1-  Cabdiqaasim Salaad Xasan

Waxaa lagu soo doortay magaalada Jabuuti 27-kii Agoosto sanadkii 2000, wuxuuna xilka ka dagay 14-kii October 2004. Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne ka ahaa dalka 4 Sano, 1 Bil iyo 17 Cisho

2- Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Waxaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya loo doortay 14-kii Bishii October sanadkii 2004, wuxuuna shaqada ka tagay 29-kii December 2008, taasoo ka dhigan inuu xilka hayey 4 Sano, 2 bilood iyo 15 maalmood.

3- Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Sheekh Shariif waxaa la doortay 31-dii January 2009, wuxuuna xilka ka tagay 10-kii September sanadkii 2012, taasoo ka dhigan inuu xilka madaxeynimo hayey 3 Sano, 7 Bilood iyo 10 cisho .

Dowladdii uu madaxweyne ka ahaa dalka ma heysan muddo xileed afar sano ah sida dowladaha kale.

4– Xasan Sheekh Maxamuud

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay 10-kii September sanadkii 2012, waxaana tartanka doorashada looga adkaaday 8 February 2017, wuxuuna xilka hayey 4 Sano iyo 5 bilood.

5 – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waxaa xilka madaxeynimo ee Soomaaliya loo doortay 8-dii February sanadkii 2017, welina ma uusan wareejin xilka, wuxuuna xafiiska joogaa 4 sano, 8 bilood iyo 10 Cisho.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidaas ku noqday madaxweynihii ugu xukunka dheeraa Soomaaliya tan iyo markii dib loo bilaabay dowlad-dhiska dalka sanadkii 2000.