Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha dagaalkii Qaayib

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Shir Falgale oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada daraawiishta maamulka Galmudug oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo xoogaga Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi.

Falagle ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay iska difaaceen weerar uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyey dagaalkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ugu yaraan illaa 15 xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalkaas iyo weerarka horreeyey, sida uu hadalka u dhigay.

“Baabuurtii ay wateen waan gubnay maydka wuxuu maran yahay illaa 20 KM. Maydka rasmiga ah ee Qaayib la’isugu keenay 15 illaa 16 weeyaan,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhankooda uu 1 sarkaal uga dhintay dagaalka, sidoo kalena ay jiraan dhimashada illaa saddex qof oo kale oo ahaa dad shacab ah.

“Waxaa jira afar qof oo uu ka mid ah yahay taliyihii hore ee saldhigga Cadaado, gabar iyo laba ruux oo kale oo rayid ah ayaa markii la baacsanaayey meelo kala du-duwan rasaasta ku haleeshay afartaas ruux waa jiraan Allaha u naxariisto,” ayuu markale sii raaciyey.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana gobolka Galgaduud laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ku aadan weerarka culus ee ay maanta Al-Shabaab ka geysteen gobolkaasi.