Degmada ay isaga xirmayaan howl-gallada SH/DHEXE iyo HIIRAAN oo la shaaciyay

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdlaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shaaciyay in degmada Aadan Yabaal ay noqoneyso halka ay iskaga xiri doonaan howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Saraakiisha hogaaminaysa howl-galada inay sida ugu dhaqsaha badan ka gun-gaaraan go’aankooda ah inay gacanta ku dhigaan deegaanada ay duulaanka ku yihiin.

“Guullo is daba-joog ah ayaa illaahey nasiiyay, Alle ayaa uga mahad-celineynaa, way jabeen nimankaan Khawaariijta ah, dadka deegaanka waxa aan leeyahay yaa loo kala harin ee halaga reebto qoryaha, ciidamada ka howlgalaya Hiiraan & kuwa Shabeelaha Dhexe waxa ay isaga hor imaanayaan Aadan Yabaal,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Waxa kale oo uu tilmaamay in maalmaha soo socda ay Al-Shabaab ka xorey doonaan dhamaan gobolka Sh/Dhexe, islamarkaana ay u sii gudbi doonaan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceeldheer.

Howl-galada ka socda maaamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa illaa hadda laga gaaray guulo, ayada oo ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo sanado badan ay gacanta ku haysay Al-Shabaab.

Howl-galadaan ayaa waxaa si wada-jir ah iskaga kaashanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.