Dowladda oo mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba maamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, taasi bedelkeedana loogu yeero magaca Khawaarij.

Sidoo kale waxay wasaaraddu reebtay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinimada, dilka, isdilka iyo naftii halignimada aan sal ku laheyn Diinteena Islaamka ee Xaniifka ah.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa lagu sheegay qoraalka in la macaamilka kooxda Al-Shabaab uu yahay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

“Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimadda Soomaaliyecd la macamilka iyo aadista kooxaha Khawarijta, madaama la macaamilkoodu uu yahay faldambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.”

Wasaaradda waxay kaloo mamnuucday in culimada Soomaaliyeed ay la macaamilaan Al-Shabaab, waajibaadna uu ka saaran yahay taageeridda gulufka ka dhan ah Alshabaab.

Go’aannadan ayaa qeyb ka ah fatwo lagu taageerayo ciribtirka Al-Shabaab oo kasoo baxay shirkii wasaaradaha arrimaha awqaafta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Dagaalka dhanka ra’yiga ah ee dowladda ay kula jirto argagixisada ayaa sii xoogeysanaya ayada oo hore ay uga xirtay warbaahinta kooxda ee baraha internet-ka ee gudaha Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda federaalka Soomaaliya ay magac kale u sameyso Al-Shabaab, ayada oo 2015-kii ay dowladdu soo saartay in warbaahinta ay kooxdan xagjirka ah ugu yeerto “Ugus”.

Al-Shabaab oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa ku hanjabtay inay ciqaabi doonto cid walba oo ay ku jiraan saxafiyiinta, kuwaasi oo u hogaansama awaamiirta dowladda ama ereygan cusub adeegsada.