Daawo: DF oo ka hadashay waxa ka jira in dhaawacyo ay ku dayacmeen isbitaallada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka hadlay hanaanka loo daaweynayo dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxyadii Soobe 2.

Wasiir Faarax ayaa sheegay in uusan jirin qof dhaawac ah oo dayacmay, isagoo sheegay in dowladda iyo isbitaallada Muqdisho ay iska kaashadeen sidii qof kasta oo dhaawac qaba loo dabiibi lahaa.

“Qof dhaawac ah oo meel cidla ah dayac loo dhigay majiro, isbitaallada way buuxsameen, laakiin dowladda ayaa dusha u ridatay wixii dhaqaale ah,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab istaag buuxa ka heshay dadka Soomaaliyeed oo ganacsatadu ay ugu horeeyaan, sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saartay sidii dadku ay dabiib ku filan u heli lahaayeen.

Dhanka tira koobka wuxuu sheegay inay ku hor mareen caruurta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2, kuwaas oo horay ay dowladdu ugu balan qaaday waxbarasho lacag la’aan ah.

“Wasaaradda waxbarashada guddi ay sameysay waxay soo tira koobeen ilmihii agoonta ahaa ee waalidiintood ay ku waxyeeloobeen qaraxyadii, waxayna bahda waxbarashada balan qaadeen in waxbarasho bilaash ah la sii doono,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Hey’adaha dowladda, ganacsatada iyo dad kale ayuu sheegay inay lacago badan ku yabooheen, dhaqaalahaas wuxuu sheegay in guddi gaar ah oo si sax ah u maamula loo sameynayo.

Wasiirka ayaa u mahad celiyey hey’adda maareynta musiibooyinka oo doorweyn qaadatay mudadii ay aas-aasneed oo bilo kooban ah, sidoo kale dadka Soomaaliyeed ayuu ku amaanay sida ay isugu soo gurmadeen.

Hoos ka daawo