Muddada lagu soo afjarayo Al-Shabaabka HIIRAAN iyo Sh/Dhexe oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in qorshaha howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu yahay in 20 maalmood gudaheed lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in maamulka HirShabelle ka go’an tahay in mudadaas ay deegaanada maamulka kaga xoreyn doonaan kooxda Al-Shabaab, oo weli gacanta ku hayso deegaano kamid ah maamulka HirShabelle.

“Waxaa leeyahay Shacabka mooral ha yeesho waa laga xoreynaya cadowga oo dowladda ha la shaqeyaan, wiilashooda ha ku soo biiraan ciidamada dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Daaci.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay hub fara badan ku qalabeynayso Macawiisleyda oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Argagixisada, islamarkaana ay helayaan mushaar joogto ah.

“Qabiilada waxaa u jeedinaya inay dowladda la shaqeeyaan oo aad u gacan siiyaan, ciidamada dalka waa inay aad u horkacaan bulshadaas oo cadowga laga kiciyo,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in deegaanada illaa hadda laga xoreeyay cadowga ay dowladda u qorsheysay gaarsiinta dhamaan adeegyada aasaasiga ah, sida; goobaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Arrintaan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdlaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu shaaciyay in degmada Aadan Yabaal ay noqoneyso halka ay iskaga xiri doonaan howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Howl-galada ka socda maaamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa illaa hadda laga gaaray guulo, ayada oo ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo sanado badan ay gacanta ku haysay Al-Shabaab.