Xogta dagaalkii Qaayib iyo Xiindheere iyo Galmudug oo ka hadashay

Qaayib (Caasimada Online) – Xaaladda deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaguud ayaa daggan kadib dagaal saacado socday oo halkaas ku dhexmaray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa VOA u sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay Qaayib uu ahaa mid aad u xooggan oo qaraxyo ku bilowday, balse ay iska caabiyeen.

“Gaadiid waxyaabaha qarxa wada iyo rag ismiidaanimaya ayey iska soo hormariyeen, laakiin ciidankeena ayaa deg deg xogta u helay, intii aysan hadafkooda gaarin ayaa la qarxiyey,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa sheegay inuu jiray gaari weyn oo ay doonayeen in Al-Shabaab ay ku dhex qarxiyaan magaalada, balse la fashiliyey isaga iyo koox maleeshiyaad ah oo dooneysay inay mid-mid isku qarxiyaan.

“Kooxda waa la jebiyey subaxdii horaba, waana la sii eryanayaa, dhamaan qaraxyadii ay soo abaabuleen sooma gaarin talisyada ciidankeena, khasaaraha jira wuxuu u badan yahay dadkii reer miyiga ahaa, Qaayib waa deegaan muhiim ah, mar dhow ayaana laga xoreeyey cadowga,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle.

Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii maanta uu gaystay khasaare nafeed oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray xarumihii isgaarsiinta ee deegaanka oo qarax lala beegsaday.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday deegaanka Xiindheere oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana aad u yar xogta laga heli karo dagaalkii dambe ee maanta ka dhacay Xiindheere.

Dagaalkii maanta ee Qaayib ayaa qeyb ka ah dagaallada dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya ay kula jirayaan deegaanadii ay ka tali jirtay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka xooggiisa ayaa ka socda gobollada Hiiraan, Shabellada Dhexe iyo Galgaduud, waxaana bilihii u dambeeyey kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano intooda badan dhaca dhulka uu ka arrimiyo maamulka HirShabeelle.