MUUSE BIIXI oo kulan la qaatay in ka badan 10 safiir

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah oo dhanka fogaan araga ah (Video Conference) la qaatay 14 Safiir iyo ku-xigeeno isugu jira.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay howlaha gargaarka bini-aadannimo, dardar-gelinta iyo xoojinta mashaariicda ay hore uga wadeen deegaanada Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sidoo kale waxa kulankaan diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka Somaliland oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd xiisad xoogan, kadib markii muddo kordhin loo sameeyay madaxweyne Muuse Biixi.

Mucaaridka Somaliland ayaa hore u shaaciyay in wixii ka dambeeya 13-ka bishaan aysan Muuse Biixi u aqoonsaneyn madaxweynaha Somaliland, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhisi lahaayeen Gole badbaado.

Safiirada kulankaan maanta la qaatay madaxweyne Biixi ayaa kala ahaa;

1. EU – Ambassador Tiina Intelmann
2. Belgium – Ambassador Peter Maddens
3. Denmark – Ambassador Steen Sonne Andersen
4. Finland – Ambassador Pirkka Tapiola
5. France – Ambassador Arnaud Suquet
6. Ireland – Ambassador Fionnuala Quinlan
7. Italy – Ambassador Alberto Vecchi
8. Norway – Ambassador Gunnar Holm and chargé d’affaires Haakon Svane
9. Sweden – Ambassador Per Lindgärde
10. Germany – Sascha Kienzle, Deputy Ambassador
11. Netherlands – Deputy Ambassador Laurie Visser
12. US – Anthony Diaz, Deputy Chief of Mission (Acting)
13. UK – Lizzie Walker, Head of British Office Hargeisa
14. Canada – Robert Bunbury, First Secretary.