Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam

Waxaa maanta [19/092021/ loo madlan yahay in jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland, gaar ahaan Amsterdam iyo agagaaraheeda ay dhageystaan natiijadii ka soo baxday baaritaanka guddiga dhexdhexaadinta [Tilburg] oo in muddo ah ku howlahaa in ay baaritaan ku sameeyaan khilaafka u dhexeeyey guddiga maamula masjidka Quba Amsterdam, waxaanna lagu wadaa in mushtamaca la wadaagaan wixii ka soo baxay baaritaaankooda, iyada oo qaddiyada ku saabsan khilaafka masjidka ay si weyn u dhibsadeen Soomaalida dalkan ku dhaqan & kuwa dacalada dunidda ku sugan.

Khilaafka masjidka, wuxuu u dhexeeyay Shiikh Suldaan Gasle oo guddoomiye u ahaa guddiga, ahaana imaamkii masjidka oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga oo kala ahaa Shiikh Ibraahim & Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah, waxaanna ku fikir ah Shiikh Ibraahim & Guuleed dhammaan xubnaha kale ee maamulka & howlwadeenada masaajidka.

Guddiga maanta natiijada warbixintiisa la sugayo oo isugu jira odayaal indheer-garad ah fadhigooduna yahay Tilburg & Eindhoven ka sokow; Sidoo kale khilaafka dadka ku soo baxay ee degan Amsterdam iyo agagaarkeeda waxaa ka mid ah guddi ay xubno ka yihiin Cali Waare & Eng. Faysal oo ah aqoonyahanno ka mid ah hormuudka Soomaalida, waxaanna siddeedii cisho ee u dambeysay ee la sugayay natiijada baaritaanka dhacday 2 dhacdo oo xaalada khilaafka kaga sii dartay.

Dhacdada hore, wadaadka Shiikh Suldaan Gasle ayaa Axadii shir uu isugu yeeray mushtamaca Soomaalida, madasha ka sheegay in sababta khilaafka keenay ee loo cayrsanayo ay kow ka tahay isaga oo hortaagnaa dhaqaalaha masjidka oo si shaqsi ah loogu tasarufay; dhinaca kale na wuxuu duray dhexdhexaadnimada guddiga odayaasha Tilburg.

Dhacdada 2aad ayaa aheyd; 14-kii bishan in Shiikha xilli habeenimo ah loo geeyey warqad lagu wargelinayo in marka subaxa la gaaro inuu masjidka isaga tago, waxaana Shiikhu arrintaasi uu ku wargeliyey qaar ka mid ah mushtamaca Soomaalida, isla subixii loo balansanaa in Shiikhu isaga tago masjidka waxaa afaafka hore ee masjidka soo buuxiyay dad Soomaali ah, una badnaa dumar iyada oo sawaxankii & qeylada dadkii u soo baxay inaan Shiikha masjidka laga saarin ay sababtay in boolis goobta uu yimaado, waxaanna xaaladu ku dhammaatay in Shiikha amar lagu siiyo inuu masjidka isaga tago. Muuqaalada shaashadaha laga arkay ee tilmaamaya Shiikhii iimaamka ka ahaa masjidka tan & markii la aasaasay, dad badanina u aqoonsanaayeen inuu ahaa [Shiikhul-balad] waxay noqotay dhado dad badani ka careysiisay. Dadka qaar doodoodu waxay aheyd xittaa calal-aqal haddii Shiikhu qaldanaa waxay aheyd inuu ku baxo xaalad taasi ka duwan.

Labadaas dhacdo ee dhacay intii ay dhexdhexaadintu socotay waxay soo xireen albaab kasta oo suurtagelin karay in khilaafkaasi waqtiga dheer soo jiitamayay xal loo helo.

Wareysiga maanta aynu la yeelanay Guddiga masjidka ku haray, oo ahaa waraysigii ugu horreeyey ee ay bixiyaan Guddiga, iyaga oo sababaha aamusnaantooda dheer ku sheegay in uu jiray heshiis laga saxiixay labada daraf markii ay dhexdhexaadintu billaabaneysay, heshiiskaas oo qeexayay in labada dhinac aysan saxaafadda la hadli karin inta guddigu howshiisa baaritaanada uu soo dhammeysanayo, iyada oo laga duulayo in xaaladda aan looga sii darin. [Heshiiskii oo qoraal & saxiix ah waxaa na tusay C/llaahi Qalaf & Guuleed Wayrax].

Kulanka saxaafadda ay isugu yeereen guddiga ku haray masjidka waxaa goob joog ka ahaa Guuleed Wayrax, Shiikh Ibraahim oo loo yaqaan [Abuu-Khadiija], C/llaahi Khalaf, Xassan Barre, Guuleed Xersi & xubno kale.

Guddiga masjidka waxay u xilsaareen in su’aalihii saxaafadu ay weydiisay guddiga inuu ka jawaabo Guuleed Wayrax oo maamulka guddiga ka tirsan.
Guddiga ayaa sidoo kale fursad u siiyay saxaafadda in ay la wadaagaan dokumintis muujinaya heerarka khilaafku soo maray.

Su’aalaha la weydiiyay Guuleed waxaa ka mid ahaa; Inuu si koobban u sharaxo sida khilaafku ku bilowday & marxaladihii uu soo maray, wuxuuna ku jawaabay:

“Masjidka wuxuu ku aasaasmay dad walaala ah oo isu tegay, Jaaliyadii SOMVOA ee xilligaasi jirtay ee aynu ka wada tirsaneyn waxay ka koobnayd qeyb howlaha ishtimaaciga u xilsaarnaa, waxaanna horkacayay waddaadada & qeyb maamulka qaabilsan, walaalo uu ka mid ahaa Abuu-Khadiijo oo magaalada nala dagan ayaa qeybtaas hayn jiray aniga iyo walaalo kale waxaan kaga soo biirnay Amsterdam west, intii aan masjidka la aasaasin waxaan si weyn kaga qeybqaadan jirnay marka dalkeena ay ka dhacaan arrimaha masiibooyinka sida fatahaadaha iyo abaaraha, mushtamaca dalkan Holland degan waxay kaga duwan yihiin Soomaalida kale ee qurabaha waa dad aan shaqo ku lahayn qabiil & xisbi oo midnimo ku caana-maala, waana tan dhaxalsiisay in masjidkan oo ka mid ah masaajidada ugu quruxda badan dalka, kuna yaal xuduntii dalka in ay dhistaan.

“Fikirka quseeya in loo baahan yahay masjid, wuxuu yimid markii ay nagu yaraatay goobtii masaajidka & dugsiga ee waddaadu ay ku shaqeynayeen, waxaanna is tusnay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo muásasaad ballaaran, howsha masjidka waxaan bilownay 2007, muddo kaddib Shiikha ayaa ku wargelinay, markii aan aragnay in lacagtii la uruuriyay ay badan tahay ayaa billownay raadinta dhul aan ribo lahayn, mu’asasada waxaa ku qornaa Nuuradiin, Abuu Khadiija & Guuleed markii la aasaasayay 2008-dii, 3 sanno kaddib oo ku beegneyd 2011 ayaa go’aansanay in Shiikha ku soo biirino guddiga, waxaanna ka dhignay Guddoomiye.  Markii masjidku furmay howlo badan ayaa soo fakaday, jaanibyo badan ayaa u baahday in howshooda la tayeeyo, sida in dadkii masaajidka ku xirnaa in la badiyo, tabarucaada oo uu masjidku ku socday la xoojiyo, dhinicii tahliinta iyo dacwada la ballaariyo, waxaa dhacday in dhinicii dacwada sidii la rabay horumar looga gaari waayo, khilaafka wuxuu salka ku hayaa horumarkinta dacwada & khidmada masaajidka. Annaga muddo badan ayaa isku daynay inaan qaab is fahan ah ku wajahno, waa dhalan waysay isfahamkii, halkaas ayuu khilaafku ka bilowday.

Teeda kale, intii howsha dhedhexaadintu socotay khilaafka waxaa ku soo baxay dhinacyo badan waxaa ka mid ah culimo Soomaaliyeed oo UK joogta, go’aankoodu wuxuu ahaa in Shiikhu dacwada uu ekaado howlaha maamulkana uusan soo fara gashan, sidaas ayaa lagu xaliyay shiikhana waa aqbalay, muddo kaddibna khilaafku wuu soo noqday.

Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay, Arrimaha Shiikhu idinku eedeeyey waxaa ka mid ahaa; ku-takrifal hantida masjidku leeyahay, doodaas maxaad kaga jawaabaysaan.?

“Masaajidka lacagaha ka baxaayo Accoun-ka masaajidka wuxuu leeyahay 3 kaar bangi. Lacagaha la isticmaalo waa lacago maalin walba [daily] la isticmaalo, waxaanna ruqsad loo weydiiyaa 3 qofood oo kala ah: Shiikh Suldaan, aniga & Cabdullaahi Qalaf, lacagaha ka baxsan [daily] waxay ku baxaan ogolaanshaha aniga & Shiikha, mana jirin lacag qasnada masjidka ka baxday oo aanu Shiikhu saxiixin Waxaan haynaa lacag kasta oo masjidka qasnada ku soo dhacday & sida ay ku baxday.

Guuleed, waxaa kale oo la waydiiyay su’aal ahayd; Haddii loo baahdo in baaritaan lagu sameeyo bangiga masaajidka lacagihii soo galay & sidii ay lacagahaasi u baxeen xilligu Shiikhu sheegayo in wax la is-daba mariyay baaritaan madax bannaan ma ogoshihiin.? Wuxuu ku jawaabay:

“Haa, sannad walba xisaab xir waa la sameeyaa hay’aad annaga naga madaxbanaan ayaa sameysa wax kasta oo aan sameynayo isaga oo digital ah ayaa la hayaa, way sahlan tahay in qofku hadal iska yiraa, laakiin cid kasta ee wax sheegta waa in ay cadeysaa, marka Shiikha ha na tuso lacagta lagu tasarufay”

Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay su’aal ahayd; Dadka Soomaalida ah ee u aqoonsan Shiikha inuu masjidka oday ka ahaa, kana careysan sida aad Shiikha ula dhaqanteen ama ku sagootiseen maxaad dadkaasi oran laheydeen.?

Guuleed, wuxuu ku jawaabay:

“Waxaa ina qabsatay 2 darran mid doorta, Shiikhu iyada oo natiijadii baaritaanka laga dhur-sugayo isagaa booliska dacwad geeyey oo [Aangift] sameeyey, booliska inuu masjidka yimaado annagu raali kama aynaan ahayn, umana yeerin. Shiikha dadka isaga ayaa u yeeray oo cajalad u duubay, waxaa nasiib darro in dadkii yimaaday aysan dhihin war Shiikhoow xaalada deji, annagu ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan Shiikha la hadalno oo aan dhahno warqada gurigaaga ku sug, dadkii xittaa markaas yimid ee careysnaa markii ay booliska tageen waa aan dhageysanay, horayna waa isugu daynay inaan dejino, markii dambe cabashadooda waa dhageysanay.

Su’aal kale, oo la weydiiyey waxay aheyd, Markii boolisku yimid waxaad tiraahdeen Shiikha ha baxo, dadka bannaanka dhoobana ha la hadlo, sidii ayeey boolisku yeeleen, shalay Video aad soo duubteen waxaad sheegtay in Shiikha aydnaan ku qasbin inuu baxo, hadaladiina sow is khilaafi maayaan.?

Guuleed, wuxuu sheegay in Shiikha ay ku wargeliyaan bixitaankiisa, balse aysan ku qasbin xilliga uu baxay.

“Boolisku, markii uu yimid ee dadka uu sarta ka saaray annaga iyo Shiikha waa ay nala kulmeen, Shiikha waxay ka dalbadeen inuu dadka kala diro, isagana uu iska baxo, markuu bannaanka u soo baxay wuxuu ku yiri dadkii meesha isugu soo baxay, raggani booliska waxay ka dhaadhiciyeen inay yihiin milkiilayaal [Eigenaar], wuxuuna u sheegay in hantidooda oo ay iyagu leediyihiin ay si kale u dhacsadaan. 9-ka subaxnimo inuu baxo ayeey aheyd waxaan dhahnay ha iska joogo isaga waqtiga uu rabo ha baxo.

Booliska markii uu nala fadhiyay waxaan ku niri wixii dhexdeeana ah annaga ayaa xalineyno, dumarka maadaama shiikhu u yeeray annaga iyo Shiikha oo wada jirna inaan dadkaas hor istaag markii uu soo baxay

Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay sida uu arko in waddaadadu xilligii ururkii SOMVOA iyo maamulkiisa ay is-qabteen inay ku doodeen in boolis loogu yeeray, in ku dhowaad 15 sanno kaddib iyagii ay boolis isugu yeeraan, sida uu tillaabadaasi u arko.?

Guuleed wuxuu sheegay in waddaadadu marnaba aysan oran boolis ayaa na loogu yeeray.

“Walaalaha SOMVOA waxay ahaayeen dadkii ugu horreeyey ee aan ku wargeliyay markii dhulka la gaday, weliba waxaan ka dalbanay in ay dhismaha na la soo dagaan inkastoo markii ururkaasi burburay” Ayuu yiri Guuleed Wayrax

Arrinta kale, ee ay muhiimka tahay in halkana lagu xuso ayaa ah; been abuur laga sameeyey walaal Guuleed Xersi oo ka mid ah dhalinyarada masaajidka u qidmeeya.
Warbixinadii hore ee masjidka laga qoray mid ka mid ah ayaa lagu xusay in maamulka masjidku iyaga oo isticmaalaya dhaqaalaha masjidka in baabuur taksi ah ay u iibiyeen Guuleed Xirsi.

Baaritaan ay saxaafaddu sameysay markii uu warkaasi baxay waxaa la soo ogaaday in Guuleed Xirsi uu arrintaasi beri ka yahay, taksiga uu wato-na uu ku iibsaday lacagtiisa.