Wararkii ugu dambeeyey kulamo siyaasadeed oo ka socda Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Qoraal kulankaas ay ka soo saartay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in seddaxda madaxweyne ay ka wadahadleen sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay.

“Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu jiro sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arimaha Doorashada ayuu Maanta la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo Mudane Hassan Sheikh Mohamud isagoo kala sheekaystay sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan Doorasho oo la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankaan uu Axmed Madoobe la yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka waxaa ka horeeyey kulan kale oo uu isla maanta la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana dhammaan kulamadaas lagu gorfeeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladan.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa caawa hooyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana qoraal uu xafiiska Axmed Madoobe ka soo saaray kulankaas lagu yiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas berlanga. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo Madaxweynahu uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo saamilayda Siyaasada dalka.”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.