Wararkii ugu dambeeyey Magaalada Cadaado iyo halka la kala marayo Saacadihii ugu dambeeyey

Cadaado (Caasimadda Online) – Waxaa weli  fowdo ay ka taagan tahay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana saacidihii ugu dambeeyey aruurinayey wararkii ugu dambeeyey.

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo in fowdo iyo khilaaf ka taagnaa garoonka Cadaado oo ku saabsanaa go’aankii Xaaf ee xayiraada la xaliyey kadib markii la qanciyey qoladii dooneysay in garoonka loo ogolaado markii ay arrintaan soo kala dhex galeyn Odayaasha Magaalada.

Wasiir Qoor Qoor oo u dhashay Magaalada Cadaado ayaa ku dooday inaan Magaalada laga celin karin, balse isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayey u suurtageli weysay inay halkaas gaaraan kadib markii Odayaasha laftiisa ay u sheegeen inaysan ku raacsaneyn inuu ka shaqeeyo sidii Magaalada Cadaado dhiig ugu daadan lahaa, waxaana ka dhawaajiyeen inay taageersan yihiin go’aanka Madaxweynaha Galmudug maadaama ay dhaheyn laga soo gudbay waqtigii Qabiilka.

Sidoo kale Waxaa Magaalada Cadaado laga soo sheegay oo xog ogaal ah in meelaha laga soo galo Magaalada la dajiyey Ciidamo lagana dhisay Xarumo kumeel gaar ah oo ay Ciidamada Dagaan.

Sababta keentay in Ciidamo la dajiyo Magaalada geesaheeda ayaa lagu sheegay inay tahay in laga hortago xildhibaanada dowladda ay wadato oo la qorsheenayo inay kasoo dagaan Cabudwaaq  isla markaasna safarka Dhulka ah kusoo galaan Magaalada.

Xildhibaanada Halkaas gaaray Shalay ayaa lasoo sheegayaa inay diyaarinayaa go’aani iyo fikirkooda ku aadan sida uu kusoo dhamaaday wadahadaladii Magaalada ka socday.

Dhinaca warar aan la hubin oo hadda nasoo gaaray ayaa sheegayo inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo gaaray garoonka DIyaaradaha Aadan Cadde halkaas oo uu kulan xasaasi ah kula leeyahay Xildhibaanadii loo diiday inay galaanada Magaalada Cadaado.

La ogo ujeedka kulankaas balse waxaa muuqato inuu ku saabsan yahay xiisadda ka taagan Galmudug iyo sida laga yeelayo, waxanaa idiin ballan qaadeynaa inaan idiin soo gudbino waxa ay ka wada hadleyn Madaxweynaha iyo Xildhibanaadaas iyo waxa uu dhaho Farmaajo.

Dhanka kale waxaa jiro Xildhibaano badan oo duminta Galmudug ku raadinayo inay kasoo muuqdadan isku shaandheynta dadka lagu qaldayo ee la sheegay inuu Kheyre sameyn doono, Xukuumaddana waxay ballanqaadyo been ah ku badashay booskiisa lacagta.

Shaqiysiyaadka doonayo inay duminta Galmudug xilal ku raadiyaan ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Ubax Tahliil,Xildhibaan Dhadgey, XIldhibaan Dhagdheer, Cabdikarriin Khaliif Dalac, Wasiir Qoor Qoor oo ololahaan madax u ah kaasoo diiday talada Beeshiisa.