Akhriso sabab la yaab leh oo keentay inay Dhagey iyo Dhegdheer Mooshin ka diyaariyaan Abshir Bukhaari

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Xildhibaanada ay dowladda Soomaaliya u dirsatay inay dumiyaan Maamulka Galmudug ayaa bilaabay hadda inay diyaariyaan Mooshin ka dhan ah Abshir Bukhaari oo ka shaqeenayo inuu badbaadiyo Maamulka Galmudug oo ceel weyn ay dowladda ku ridi rabto.

Abshir Bukhaari oo ah ku xigeenka Koowaad ee Aqalka sare ayaa hoggaaminayey wafidigii Shalay Cadaado u tagay inay dadka walaalaha ah heshiisiyaan.

Haddaba Xildhibaan Yuusuf Dhagey iyo Dhagdheer oo iyagana hoggaaminayo wafdi Maanta loo diiday inay Cadaado gaaraan kuwaas oo doonayey inay dhiig ka dhex huriyaan Dadka ku midoobay Maamulkaas ayaa bilaabay inay soo cusbooneysiiyaan Mooshin ay dhawaan bilaabeen inay ka Gudbiyaan Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari si looga qaado xilka uu ka hayo Aqalka sare ee ah ku xigeencka 1-aad.

Labadaan XIldhibaan ayaa mooshinka ay soo diyaariyeen ku qalqaalinayo Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare, waxayna xogta hoose sheegeysaa inay ku heystaa sababta uu Abshir u difaacayo Maamulka Galmudug oo god kusii socdo waxayna haddana sheekada isku badashay in koox kasta ay sameyso ficilada ay kooxda kale ku jabin karto.

Labadaan XIldhibaan ayaa ka saxiixay mooshinka qaar ka tirsan Aqalka Sare, waxayna arrintaan u muuqataa gardarro cad oo lagu hayo Abshir Bukhaari oo u xuubsiibtay inuu badbaadiyo deegaanka iyo Shacabka laga soo doortay oo ah Waajib Dastuuri ah oo uu gutay.

Sidoo kale waxaana qorshahaan dabada ka riixayo Wasiir Qoor Qoor oo  ah shaqsiga ay dowladda usoo dhiibtay lacagta 800 Kun ee Dollar la doonayo in lagu dumiyo Maamulka Galmudug si ay Dadka deegaankaas u waayaan meel ay ku abtirsadaan codkoodana ka dhiibtaan.

Haddii aan wax badan laga badalin siyaasadda ee Dowladda Soomaaliya u wajahday xiisadda Galmudug waxaa ka dhallan doonto dhibaato weyn oo keeni doonto inaan mar dambe la isugu imaan Maamulka Galmudug oo beel kasta ay xareysato deeganada ay leedahay midaas oo ah arrin laga soo gudbay mar hore uu abaalkeeda leeyahay Madaxweynihii hore ee Waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud oo ka shaqeyey inuu isku keeno dadka deeganaadaas isla markaas gogol nabadeed u sameeyey kana dhaadhacsiiyey inay wax isku darsadaan.

Waxaa ayaan darro ah in dowladdii Xigtay Xasan Sheekh Maxamuud inay ka shaqeyso duminta Maamulka uu dhib badan usoo maray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta hadda Cadaado u tagay inay maamulkaas badbaadiyaan maadaama ay dareemayaan xanuunka ay leedahay in Meesha laga saaro Magaca Galmudug.