Deg deg: Xildhibaanadii loo diiday inay Cadaado Aadaan oo guryahooda isaga laabtay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay dib guryahooda ugu laabteen Xildhibaanadii dowladda dirsatay ee doonayey inay dumiyaan Maamulka Galmudug kadib markii ay culeys weyn kala kulmeyn Maamulka Galmudug iyo Odayaasha Magaalada Cadaado.

Wafdigaan dumin u hiilinta ah ayaa waxaa hoggaanka u hayo Wasiir Qoor Qoor oo danta deegaankiisa iyo dadkiisa ka doorbiday xil beenaad loo ballan qaaday marka ay timaado in Wasiirada Isku Shaandheyn lagu sameeyo.

Qoor Qoor oo saakay ilaa waqtigaan oo Muqdisho la marayo 4:00PM ku sugnaa Garoonka Muqdisho ayaa ku guuldareystay inuu Cadaado u sahro kadib markii ay Laftiisa Reer Muuse u sheegeyn inaysan ku raacsaneyn dhigga iyo duminta uu doonayo uusana imaan karin Magaaklada Cadaado.

Qoor Qoor oo markii horeba isku haleenayey laftiisa oo awood ku leh Magaalada ayaa xaqiiqsaday inuusan Cadaado ku biimeyn karin Xildhibaanada uu lacagta u sheegay ee la socdo iyo kuwa lagu qiyaanay xilal beenaadka.

Sidoo kale Liiska Xildhibanada duminta ka shaqeenayo ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo dhinac martay talada besheeda kasoo gaartay ee ah inaysan ka qeyb qaadan Duminta Galmudug.